War Cusub Oo Ka Soo Kordhay Mustaqbalka Mason Greenwood Ee Man United & Suurtogalnimada Uu Old Trafford Uga Ciyaari Karo

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaan meesha ka saarin suurtogalnimada uu Mason Mount kooxda ugu soo laaban karo xagaagan.

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay wargeyska The Times, United ayaa rajeyneysa inay lacag kaash ah ku hesho Greenwood suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin waxaa laga yaabaa inay ceshtaan weeraryahanka haddii ay heli waayaan dalab macquul ah oo lagu iibin karo 22 jirkaan.

Greenwood uma ciyaarin United tan iyo 2022kii, markaasoo lagu eedeeyay kufsi balse maxkamada ayaa kiiskiisa xirtay bishii Febraayo iyadoo aan wax danbi ah lagu helin.

Man United ayaana go’aansatay in ciyaaryahanka uu waayihisa ciyaareed meel kale ka sii wato iyagoo amaah ku siiyay kooxda La Liga ka dhisan ee Getafe.

Xiddiga Ingariiska ayaa dhaliyay 10 gool islamarkaana caawiye ka noqday lix gool kale 31 kulan uu u saftay kooxda reer Spain taasoo keentay inuu soo jiito xiisaha kooxo waa weyn.

Sida ay The Times qortay Juventus ayaa ka dhigatay Greenwood mid ka mid ah bartilmaameedyadeeda suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Man United ayaana lagu waramayaa inay diyaar u tahay inay iibiso Greenwood iyagoo ku qiimeynaya lacag u dhaxeysa 30 ilaa 40 milyan ginni.

Haddii qiimahaas ay ku heli waayaan, waxaa macquul ah in Greenwood uu ku laabto Old Trafford xagaaga.

Greenwood ayaa hal sanno ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Man United, laakiin kooxda ay khiyaar u leh inay sannad kale ku kordhiso qandaraaskiisa.