Xamaas oo baahisay muuqaal muujinaya lahysayaal Israel ah oo ku nool Gaza

0
15

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xamaas ayaa baahisay muuqaal muujinaya caddayntii ugu horreysay ee nolosha laba qof oo kale oo lagu haysto Gaza.

Muuqaallada aan taraiikhda lahayn ee sida qasabka ah looga duubay, Omri Miran, waxa uu sheegay in la haystey 202 maalmood. Keith Siegel ayaa isna xusay fasaxa Toddobaadka ee Israel (Passover) taasoo muujineysa in muuqaallada la duubay dhawaan.

Labadaba waxa la qabtay markii Xamaas ay qaaday weerarradeedii 7-dii Oktoobar.

Qoysaskooda oo ka jawaabaya muuqaalka, waxay sheegeen inay sii wadi doonaan dagaalka dib loogu soo celinayo raggaas.

Waxay sidoo kale ku boorriyeen dawladda Israel inay xaqiijiso heshiis cusub oo lagu sii daayo la haystayaasha.

Muuqaalkan cusub ayaa imaanaya iyadoo Xamaas ay sheegtay inay daraasaynayso hindisihii ugu dambeeyay ee Israel ee xabbad joojinta