Shaxda Riyada Manchester United Ee Xilli-ciyaareedka Dambe & Xiddigaha Imanaya Old Trafford.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la filayaa inay isbeddello samayso xagaaga soo socda, isla markaana ay dhawr ciyaartoy kusoo kordhiso safkeeda, halka tababare cusub si weyn loo hadal hayo.

Sir Jim Ratcliffe ayaa la sheegay in uu quus ka taagan yahay tababare Erik ten Hag oo uu kaga qancay bandhigga laba sannadood oo uu macallinka reer Netherlands maamulayey kooxdan, isaga oo u qaaday Carabao Cup xilli-ciyaareedkiisii koowaad, sidoo kalena keenay semi-finalka FA Cup oo ay la ciyaari doonaan Conventry City.

Ninka ugu taajirsan UK ee Sir Jim Ratcliffe oo 27% mulkiyadda Manchester United la wareegay horraantii sannadkan, sidoo kalena lagu wareejiyey maamulka guud ee kooxda, ayaa waxa la sheegay in uu kala xulanayo dhawr macallin oo uu ugu horreeyo Zinedine Zidane oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid sannadkii 2021.

Fursadda kaliya ee uu haysto Erik ten Hag ee uu isku badbaadin karayo waa FA Cup oo haddii ay kasoo gudbaan Coventry ay finalka iskugu iman doonaan Chelsea iyo Manchester City midkooda soo guuleysta.

Red Devils ayaa xagaagii hore, waxa ay lacag ka badan £180 milyan oo Gini ku kharash garaysay saddexda ciyaartoy ee Andre Onana, Mason Greenwood iyo Rasmus Hojlund, haddana waxa ay horyaalka kaga jiraan kaalinta toddobaad oo ay u muuqdaan in ay ka maqnaan doonaan Champions League.

Sida uu qoray wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester, Sir Jim Ratcliffe waxa uu qorsheeyey in la iibiyo tobanka ciyaartoy ee kala ah: Wan-Bissaka, Lindelof, Fernandez, Eriksen, Casemiro, Hannibal, Van de Beek, Sancho, Pellistri, Greenwood, sidoo kalena bilaash uu ku baxo Raphael Varane oo dhamaadkiisu uu qandaraas yahay.

Lacagta ay kooxdu ka hesho ciyaartoyda ay xaraashayso, waxa ay kusoo iibsan doontaa dhawr ciyaartoy oo uu ugu horreeyo difaaca Everton ee Jarrad Branthwaite oo reer England ah, halka ay sidoo kalena kala dooranayaan Edond Tapsoba oo u dheela Bayer Leverkusen, Jean-Clair Todibo oo ah difaaca Nice iyo Gleison Bremen oo u dheela Juventus iyo xulka Brazil.

Waxa kale oo Sir Jim Ratcliffe ka go’an in kooxda la keeno difaaca Bayer Leverkusen ee Jeremie Fimpong oo ay sidoo kalena raadinayaan kooxo badan oo kale iyo weerarka oo ay dhalyaha RB Leipzig ee Benjamin Sesko qorshaysanayaan.

Waa kuwan xiddigaha ay Manchester United qorshaynayso in xilli-ciyaareedka dambe ay ku dagaalgasho:

Goolhayeyaal: Onana, Bayindir, Heaton

Difaacyahanno: Dalot, Frimpong, Branthwaite, Martinez, Maguire, Kambwala*, Evans, Shaw, Malacia, Amass*

Khadka Dhexe: Neves*, Mainoo*, Fernandes, Dewsbury-Hall, McTominay, Mount, Gore*

Weerarka: Garnacho*, Antony, Amad, Hojlund, Sesko, Wheatley*, Rashford