Man United, Arsenal iyo Chelsea Oo War Farxadleh Ka Helay Victor Osimhen

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea, Manchester United iyo Arsenal ayaa war farxadleh ka helay weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem ee ay doonayaan inay la saxeexdaan xagaaga soo socda, kaas oo koox walba ay dhinaceeda ugu aragto inuu yahay dhaliyaha ay u baahan tahay.

Victor Osimhem ayaa hore ay kooxdiisu u sheegtay in uu ka tegayo xagaaga soo socda oo ay iibin doonaan, waxaana sii joogistiisa god madoow kusii riday hoos u dhaca ku yimid kooxdii horyaalka Serie A ku guuleysatay xilli-ciyaareedkii hore oo hadda ku dhow badhtamaha miiska kala-sarraynta ee horyaalka Talyaaniga.

Napoli ayaa diyaarsanaysa ciyaartoygii ay u xidhi lahayd lambarka Victor Osimhem ee hoggaamin lahaa afkooda hore ee weerarka, waxaana ay u doorteen weeraryahanka kooxda Lille ee Jonathan David.

Sida uu qoray wargeyska Gazzetta dello Sport, Jonathan David ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda horyaalka Talyaaniga oo dhinaceeda diyaar u ah inay bixiso £42.7 milyan oo Gini oo Lille ay ku xidhay qandaraaskiisa.

Napoli ayaa dhinaceeda hore u sheegtay, in qandaraaska Victor Osimhem lagu burburin karayo £110 milyan oo Euro oo ay si toos ah u kaxaysan karto kooxda bixisa, laakiin naadiyada horyaalka Premier League ayaa rajaynaya in Napoli ay ogolaan karto in ay qiimaha laacibkan hoos usoo dhigto.