Muslimiinta Mareykanka oo sameeyey App cuntooyinka xalaasha ah

0
22

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar ka mid ah Ganacsatada Muslimiinta ah ee cuntooyika iibiya ee dalka Maraykanka oo ka faa’iidaysanaya technolojiyada casriga ah iyo internet ka ayaa samaystay barkulan (Application) ay ku diiwaan galiyaan maqaaxiyaha iyo goobaha laga cunteeyo ama qaxweeyo iyo waliba dukaanada iibiya raashinka Xalaasha ah.

App-kan ayaa ayey macaamiishoodu si fudud uga heli karaan goobta ugu dhaw ee ay cunto xalaal ah ka helayaan.

Macaamiisha qaarkood ayaa sheegay marka ay u safraan magaalo ay ku cusub yihiin, ay ku adkaan jirtay inay helaan maqaaxi cunto xalaal ah iibisa, haatanse ay App kaasi adeegsadaan.