Laba Ciyaartoy Oo Nafta Usoo Huray Barcelona Oo Ka Tegaya Xagaaga.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa sagootin doonta laba ciyaartoy oo ruug-caddaayo ah isla marka uu kooxda ka tegayo tababare Xavi Hernandez, taas oo ka dhigan in saddex xubnood oo muhiim ka ah Camp Nou ay ka bixi doonaan dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Roberto ayaa soo afjari doona waayihiisa Barcelona oo uu tan iyo carruurnimadii u ciyaarayey, waxaana uu go’aan ka gaadhi doonaa kooxda kale ee uu ka degayo.

32 jirkan oo 14 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah u saftay kooxdiisa, kuwaas oo uu dhaliyey saddex gool mid kalena caawiyey. Waxa lagu soo warramayaa in uu tegi doono Bariga Dhexe ama Maraykanka isaga oo si xor ah uga tegi doona kooxdiisa Barcelona oo uu cimrigiisa oo dhan kusoo qaatay.

Dhinaca kale, Marcos Alonso oo 33 jir ah ayaa ka tegi doona Camp Nou marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, iyadoo diiwaankiisa ay ku jiraan 44 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay, kuwaas oo toddoba ka mid ah ay yihiin xilli-ciyaareedkan.

Atletico Madrid ayaa la sheegay inay doonayso inay la wareegto Alonso si uu ugu beddelo Hermoso oo ay suurtogal tahay inuu ka tago.