Doorashada baarlamaanka oo maanta ka dhacaysa iiraan.

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shacabka dalka Iiraan ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ugu codeynayaan xildhibaannada golaha baarlamaanka wadankaasi.

In ka badan 15,000 oo musharraxiin ah ayaa u tartamaya kuraasta baarlamaanka oo gaaraya 290.

Sidoo kale codbixiyeyaasha Iiraan ayaa u codeynaya xubnaha golaha khuburrada oo soo xulan doono hoggaamiyaha ugu sarreeya dalkaasi.

Golahan ayaa ka kooban 88 xubnood oo dhammaantood ah culimaaudiin.