Man United Oo Taariikh Cusub Ka Dhigtay Koobka FA Cup Ka Dib Guushii Ay Xalay Gaareen.

0
113

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa rikoodh cusub ka dhigtay tartanka FA Cup-ka kadib markii ay si dirqi ah uga badisay kooxda Nottingham Forest una soo baxday wareega 8 dhamaadka tartankan.

United ayaa aad uga fogeyd qaab ciyaareedkeedii fiicnaa laakiin waxa ay u soo baxday sideed dhamaadka kadib markii ay 1-0 ku badiyeen ciyaartii City Ground.

Kooxda Erik ten Hag ayaa ciyaarta oo dhan ku dhibtoonaysay in ay abuurto fursado cadaan ah laakiin waxa ay guul gaareen daqiiqadii ugu danbeysay ee waqtiga caadiga ahaa markii uu Casemiro dhaliyay goolka guusha.

Waxay wareega sideed dhamaadka isku arkayaan kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool kuwaasoo 3-0 ku garaacay Southampton oo marti ku aheyd Anfield.

United ayaa haatan gaartay wareega sideed dhamaadka ee FA Cup-ka markii 48-aad, waana rikoodh cusub, madaama aysan koox kale abid gaarin 48 jeer wareega sideed dhamaadka koobka FA Cup.

Waxay horay u barbareeyeen rikoodhkii ay heysay Everton oo 47 jeer gaartay wareega sideed dhamaadka FA Cup, laakiin guushoodii xalay ayay ku jabiyeen rikoodhkaan.

United ayaa ku guuleysatay FA Cup 12 jeer, waana kooxda labaad ee ugu guulaha badan iyagoo ka danbeeya kooxda koowaad ee ugu guulaha badan ee Arsenal oo 14 jeer ku guuleysatay.

Kooxda ku guuleysatay Carabao Cup ee Liverpool ayaa ku jirta kaalinta seddexaad ee liiska kooxaha ugu guulaha  badan FA Cup iyagoo ku guuleystay sideed jeer.