Shiinaha oo dhisme casri ah ugu deeqay baarlamanka Zimbabwe.

0
87

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan ku wareejisay dowladda dalka Zimbabwe dhisme casri oo uu ugu deeqay baarlamaanka dalkaaasi.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah, wax ay khubaradu ku tilmaameen dib u soo noolaynta diblumaasiyadda ku salaysan mashaaricda.

Maalgashiga Shiinaha ee Afrika ayaa sanadihii u danbeeyey sii korayay.

Dowladda iyo shirkaddaha dalka Shiinaha ayaa door muhiim ah ka qaata dib u dhiska, jidadka, garoomada iyo mashariicda horumarineed ee inta badan laga fuliyo dalalka Afrika.