Dadaalo lagu doonayo in lagu soo dhiso dowlad oo ka socda dalka Pakistan.

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadaallada lagu doonayo in lagu soo dhiso dowlad ayaa ka sii socda dalka Pakistan ka dib markii doorashooyin adag oo la isku qabtay lagu waayey hal xisbi oo hanta aqlabiyaddii loo baahnaa.

Kutlada labaad iyo seddexaad ee ugu weyn – oo ay kala hogaaminayaan Nawaz Sharif iyo Bilawal Bhutto – ayaa ku jira wada xaajood rasmi ah oo ku saabsan in ay samaystaan isbahaysi. Kulamada ayaa sii socda maanta.

Pakistan ayaa wajahaysa todobaadyo hubanti la’aan siyaasadeed ah iyadoo ay jiraan musharixiin madax-banaan oo daacad u ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan, kuwaas oo helay kuraas ka badan xisbiyada kale.

Waxay ka fiirsanayaan caqabadaha sharciga ee natiijooyin badan.

Cabashooyinka ayaa laga soo gudbiyay degaano badan oo aysan ku guuleysan taageerayaasha Imran Khan, balse waxaa la sheegay in codbixinta lagu shubtay