Reer Qasa oo naftooda ku badbaadinaya quudka xoolaha cunno-yari soo wajahday darted

0
86

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadka ku nool kunool gudaha waqooyiga go’doonsan ee Qasa ayaa BBC-da u sheegay in carruurtu ahaanayaan cunto la’aan maalmo, xanibaaddda gaadiidka gargaarka ee soo galaya Qasa oo si aad ah u korortay aawadeed.

Dadka qaar ayaa bilaabay in quudkii xoolaha ay u beddeshaan daqiiq si’ay ugu badbaadaan, laakiin hadda xitaa keydadkii hadhuudka ayaa sii yaraanaya, siday sheegeen.

Dadka ayaa sidoo kale sheegay in ciida qodayaan si ay ugu gudbaan tuubooyinka biyaha ee dhulka hoosmara, oo ay u helaan biyo ay cabaan waxna ku dhaqdaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nafaqo darada carruurta yaryar ee waqooyiga Qasa ay aad sare ugu kacday, dhaaftayna heer daran oo qiyaasti dhan 15%.

Hay’adda Isku Duwidda Qaramada midoobay ee OCHA, ayaa sheegtay in in ka badan kala badh howlgaladii mucaawinada waqooyiga Qasa aadi lahayd ay baaqatay bishii lasoo dhaafay, waxaana jirta faragelin kordhaysa oo ciidamada Israa’iil ay ku samaynayaan sida meesha mucaawinida loo gudbinaayo.

 

Waxay sheegtay in qiyaastii 300,000 oo qof oo ku nool dhulalka waqooyiga si si’aad ah looga go’odoomiyay caawinaadda, ayna wajahayaan xaalad si halis u kordhaysa oo macaluul ah.

Afhayeenka u qaabilsan ciidamada Israa’iil gargaarka gelaya Qasa ayaa bishii lasoo dhaafay saxaafadda u sheegay “in wax macamuul ahi, ayna ka jirin Qasa. Gabi-ahaanba.” Afhayeenka hay’adda, Cogat, ayaa ku celceliyay in ayna xadidin gargaarka bini’aadantimo ee loo soo diray Qasa.

BBC-da ayaa la hadashay sadex qof oo ku nool caasimadda Qasa, iyo Beyt Laaxiya, sidoo kalena daawatay muuqaalo iyo warraysiyo ay qaadeen saxafiyiinta ku nool deegaanka Jabaliya.

Maxamuud Shalabi, oo diktoor ka shaqeeya Bayt Laaxiya ah, ayaa sheegay in dadku ayka dhiganayaan daqiiq hadhuudhkii loogu talogalay xoolaha, taasina hadda ay gabaabsi noqonayso. “Dadku haddeer waxba kama helayaan suuqyada,” ayuu yidhi. “Lagama heli karo maalmahaan gudaha waqooyiga Qasa iyo caasimadda Qasaba.”

Waxuu soo kale sheegay in bakhaarrada cuntooyinka gasacadaysan ay yaraanayaan.

“Waxaan helnay waxay ahayd si guud lix iyo todobo beri oo xabad joojin ah [bishii Nofeember], wax walba oo mucaawino ah oo loo ogolaaday in ay Qasa soo gashana haddeer waa la isticmaalay. Waxay dadku cunayaana waa uun bariis keliya.

Hay’adda Cunada Adduunka (WFP) Ayaa BBC-da u sheegtay in afar kamida shantii baabuur ee waqooyiga Qasa geli lahaydba ay joojiyeen ciidamada Israa’iil, taas oo ka dhigan hakin labo toddobaad ah waxii gaadhi lahaa caasimadda Qasa.

“Waxaan ognahay in xaalad aad u daran oo macaluul ah ay ka jirayso Qasa haddii aan loogu deeqin gargaar badan oo cuno ah waliba si joogto ah,” ayuu yidhi agaasimaha hay’adda WFP ee gobolka Matt Hollingworth.

Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Gargaarka ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee (OCHA) ayaa sheegay in ay jirto xanibaad baahsan oo dhanka gargaarka gelaya waqooyiga Qasa ah: 56% gargaarka ayaa la xanibay bishii January, 14% bishii October iyo December.

Wuxuu sheegay sidoo kale in ciidanka Israa’iil “Wakhtiyada qaar ay marmarsiinyo sameynayaan” caddadka shidaal ee ku socda xarumaha caafimaadka, ayuu sheegay in la xanibay iyo sidoo kale “ay soo rogeen dhimis cadadka gargaarka, sida tirada cuntada”.

BBC-da ayaa weydiiysay ciidanka Israa’iil jawaab. Waxayna nagu xidheen Cogat, oo sheegay in su’aalahayaga aan ciidanka weyddiinno.

 

Duxa Al-Khaalidi, oo ah hooyo afar carruur ah leh oo ku nool Beyd Laaxiya, ayaa BBC-da u sheegtay labo toddobaad ka hor in ay usoo lugeysay 9.5km guriga walaasheed oo caasimadda Qasa ku yaal, iyadoo si darran u raadinaysa cunto, carruurteeda oo aan cunto cunin saddex maalmood darted.

“Wax lacag ah ma haysto, xitaa haddaan haysan lahaa, wax suuqa weynaha magaalada laga iibsado maleh,” ayay tidhi. “[Walaashay] iyo qoyskeeda ayaa sidoo kale cabanaya, waxay i siisay baastadii ugu danbaysay ee gurigeeda taalay.”

“Waxaan dareemaynaa in ay geeridu noqotay haddeer mid aan laga baaqsanayn,” Walasheed, Waad, ayaa tidhi, “Waxaa dumay qaybtii kore ee gurigayaga, balse wali waan ku noolnahay hadda, waloow aanka cabsi qabno in uu nagu dumo. Labo todobaad, waxba waanka weynay suuqa; haddii aanka helno xitaa toban mar ayay ka qaalisanyahiin qiimahoodii hore.”

U kuurgelidda xaaladda macaluusha daran, oo ay sameeyeen hay’addo bandan oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa lagu qiyaasay sadex meelood dadka ku nool waqooyiga Qasa in ay wajahayaan musiibo cuno la’aan ah. Waloow caqabado ka jiraan gelitaanka deegaannadaan si loogu sameeyo cabir sax ahna ay adagtay. Qoysaska ku nool waqooyiga Qasa ayaa sidoo kale la daaladhacaya in ay helaan biyo joogto ah.

“Kuwo badan oo naga mid ah ayaa haddeer cabaya biyo aan nadiif ahayn. Ma jiraan tuubooyin, waa in aan dhulka qodnaa si’aan biyo u helo ayuu yidhi Mazmuud Saalax oo Beyt Laaxiya ku sugan.