Kuuriyada Waqooyi oo meesha ka saartay heshiisyada dhaqaale ee kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Baarlamaanka Kuuriyada Waqooyi ayaa ansixiyay qaraar lagu soo afjarayo dhammaan heshiisyada iskaashiga dhaqaale ee dowladda wadankaasi kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.

Arinkan ayaa imaanaya iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal ee dariska ah. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya kadib markii bishii hore xukuumadda Pyongyang ay Seoul u aqoonsatay cadowgeeda ugu wayn.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee (KCNA) ayaa ku warramaysa in meesha laga saaray heshiiskii dhaqaale ee u dhaxeeyay labada dal.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiis ku saabsanaa mashruuca dalxiiska ee Mount Kumgang kaasoo soo billowday horraantii 2000.