Hungary iyo Midawga Yurub oo dhaleecayn isu jeediyey.

0
78

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hungary ayaa iska fogaysay eedo uga yimi sharciga cusub ee ay ugu magacdareen, sharciga ilaalinta madaxbanaanida, ka dib markii ay Midawga Yurub sheegeen inay qaadayaan tallaabo ka dhan ah sharcigan, oo ay u arkaan inuu yahay mid ku xadgudbaya xuquuqda aasaasiga ah ee nidaamka dimoqraadiyadda.

Hungary ayaa bishii December ee sannadkii hore meelmarisay sharciga qaran ee ilaalinta madaxbanaanida, iyada oo sharcigani uu aasaasayo waax gaar ah oo baadhis ku samaynaysa cid kasta oo loo tuhmo inay dhaqaale ka helaan cid ajnebi ah isla markaana saamayn ku yeesha doodaha dadweynaha.

Sharcigan ayaa mamnuucaya in dhaqaalaha laga helo dibedda in loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka, ciddii jebisana, lagu xukumi doono illaa saddex sannadood oo xabsi ah.

Dadka sharcigan diiddan, ayaa ku eedaynaya inuu yahay sharci furan oo saamayn ku yeelanaya dad aad u ballaadhan, isla markaana uu taabanayo nolosha dadweynaha.