Tababarayaasha Premier League Oo Cabasho Ka Gudbiyay Sharci Muran Dhaliyay Oo Garsoorayaasha Ay Ku Dhaqmaan

0
88

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababarayaasha horyaalka Premier League ayaa u sheegay madaxda horyaalka inaysan waxba ka aqoonin sida ay tahay in loo dhaqangeliyo sharciga kubada gacanta lagu taabto ee ay adeegsadaan garsoorayaasha.

Waxayna taasi keentay in madaxda horyaalka ay weydiistaan tababarayaasha iyo ciyaartoyda inay ka caawiyaan in dib loo qoro sharciga ka yaala kubadaha gacanta lagu taabto iyo sida ay tahay inay u wajahayaan garsoorayaasha.

Madaxda horyaalka ayaa sidoo kale garwaaqsaday in dib u dhaca VAR ay sababto inay taageerayaasha uga dhigtay ciyaarta mid caajis ah.

Inkastoo ay cabashooyinkaas jiraan hadana waxay sheegeen in garsoorayaasha Premier League ay ku jiraan waqtigoodii ay ugu fiicnaayeen abid.

Iyadoo horyaalka uu balanqaaday in la dedejin doono go’aanada VAR si xamaasada ciyaarta aysan u dhimanin, hadana maamulka horyaalka ay diiday inay balanqaadaan inay hirgelin doonaan teknooloojiyada xubnaha jirka la socota ee ay UEFA ay dhaqangelin doonto xilli ciyaareedka danbe.

Cabashada ay gudbiyeen tababarayaasha Premier League ayaa soo baxday ka dib markii garsoorayaasha sameeyeen go;aano iska soo horjeeda oo la xiriira kubada gacanta lagu taabto taasoo muran weyn dhalisay.

Garsoore walba waxa uu sharciga u dhaqangeliyaa sida ay isaga la tahay taasoo sababta jahwareer madaama go’aanada aysan aheyn kuwa joogta ah oo loo siman yahay.