PSG Oo Afduubanaysa Marcus Rashford Iyo Lacagta Ay Dul-dhigeen.

0
68

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa dib usoo cusboonaysiisay damaceedii xiddiga Manchester United ee Marcus Rashford, si uu ugu beddelo Kylian Mbappe oo maalmaha soo socda la filayo inuu ku dhawaaqo in uu ka tegayo kooxdaas marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku.

PSG ayaa bartilmaameedka koowaad ka dhigan doonta Marcus Rashford oo ay u diyaarisay dalab lacag badan leh, iyadoo ay quus ka taagan yihiin Kylian Mbappe oo si la filayo inuu si xor ah ugu wareego Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa iska diiday inuu sii joogo kooxdiisa PSG oo u bandhigtay heshiis cusub oo mushaharkiisu dhaafayo £70 milyan oo Gini sannadkii, waxaana uu ka doortay Real Madrid oo siin doonta £12 milyan oo Gini oo mushahar ah sannadkii.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, PSG ayaa waxa ay dooratay in Rashford uu noqdo beddelka Mbappe iyadoo sidoo kalena ay diiraddoodu saaran tahay Victor Osimhem iyo Rafael Leao, waxaanay ula diyaar tahay lacag badan oo mushahar ah oo ku riixi doonta inuu ku cadaadiyo naadigiisa inay iibiyaan.

Rashford oo toddobaadyadii ugu dambeeyey ay fartu ku godnayd isla markaana laga jaray lacag dhan £650,000 Gini oo mushaharkiisa ah markii uu tababarka ka maqnaaday, ayaa mustaqbalkiisa la ogaan doonaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan