Premier League Oo Baadhitaan Ku Samaynaya Heshiis Shaki Dhaliyey Oo Ay Manchester City La Gashay Ciyaartoy Cusub.

0
128

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Premier League ayaa baadhitaanno ku bilaabaya kooxda kubadda cagta Manchester City oo lagu eedaynayo inuu madmadow ku jiro saxeexii ugu dambeeyey ee ay samaysay, waxaana haddii lagu helo dembigaas ay waajihi doontaa ganaax.

Manchester City oo lixdii Premier League ee ugu dambeeyey shan ka mid ah ku guuleysatay, sidoo kalena xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey ee Champions League ayaa hadda lagu bilaabay baadhitaanno la xidhiidha suuqa iibka ciyaartoyda, iyadoo ay horena u jireen baadhitaanno ku saabsanaa inay jabiyeen sharciga dhaqaalaha oo waqtiga go’aankana loo muddeeyey.

Premier League waxa uu hore u sheegay in Man City ay 115 jeer jabisay sharciga dhaqaalaha, waxaana hore loogu wargeliyey maalinta la shaacinayo go’aanka laga gaadhay iyadoo sidoo kale loo raaciyey dembiyo kale oo ah inay iska dhago-mariyeen markii Premier League uu ka dalbaday xogtooda sannadihii tegay.

Isniintii shalay, ayaa la sheegay in Manchester City ay heshiis la gaadhay garabka weerarka Brazil ee Savio oo ay xagaaga kala soo wareegi doonaan kooxda reer France ee Troyes, laakiin kooxdaas ayaa waxa ay ka mid tahay naadiyada City Football Group ee hoos taga Man City.

Troyes ayaa waxa ay 19 jirkan kusoo iibsatay lacagtii ugu badnayd ee ay abid kasoo bixiso ciyaartoy xagaagii dhowaa, waana £5.6 milyan oo Gini laakiin isaga oo aan hal marna u ciyaarin ayaa waxa amaah loogu diray Girona oo iyaduna ka mid ah kooxaha City Group ee hoos taga Man Cit, halkaas oo uu wacdaro ka dhigayo isla markaana ka caawiyey in ay kaalinta labaad kaga jiraan horyaalka Spain ee LaLiga.

Qiimaha lacagta ay Troyes iyo Manchester City ku kala iibsadeen Savio ayaan la shaacin, hase yeeshee warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in Troyes ay kooxo Premier League iyo Germany ah ku diidday lacag gaadhaysa £25 milyan oo Gini oo ay laacibkan kusoo dalbadeen.

Premier League ayaa baadhitaankiisa sal uga dhigi doona ogaanshaha lacagta ay Manchester City ku iibsatay Savio, taas oo haddii ay ka hoosayso ama le’ekaato qiimaha kooxaha kale loogu diiday ka dhignaan doonta inay mulkiilenimada ay wadaagaan iskugu faa’iidaynayaan, waxaana arrintaasi ay gef ku tahay sharciga dhaqaalaha ee kubadda cagta.