Chelsea Oo Dhibco Laga Jarayo Haddii Ay Ceyriyaan Pochettino.

0
85
FILE PHOTO: Soccer Football - Ligue 1 - Angers v Paris St Germain - Stade Raymond Kopa, Angers, France - April 20, 2022 Paris St Germain coach Mauricio Pochettino REUTERS/Stephane Mahe/File Photo

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Haddii Chelsea ay ceyriso tababare Mauricio Pochettino kaliya ma khasaarayaan lacag balse waxay sidoo kale wajahayaan in dhibco laga jaro.

Ka dib labo guuldarro oo isku xigta oo ka soo gaartay Premier League islamarkaana min afar gool laga dhaliyay, waxaa jira cadaadis maamulka kooxda lagu saarayo inay ceyriyaan Pochettino.

Si kastaba, in la ceyriyo tababaraha reer Argentina ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan waxay keeni kartaa in kooxda dhibco laga jaro taasoo sii xumeyn doonta xilli ciyaareedka musiibada ah ee ay ku dhex jiraan.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in Chelsea ay ku qasban tahay inay 10 milyan ginni magdhow ahaan u siiso Pochettino iyo shaqaalihiisa haddii ay ceyriyaan. Waxayna taasi keeni doontaa in Chelsea ay jabiso sharciga dhaqaale wanaaga Premier League oo durbaba ciqaabay labo kooxood.

Everton iyo Nottingham Forest ayaa durbaba lagu helay inay jabiyeen sharciga dhaqaalaha Premier League, halka Everton ay halis ugu jirto in mar kale dhibco laga jaro ka dib 10 dhibcood oo horaantii xilli ciyaareedkan laga jaray. Dhanka kale Manchester City ayaa dacwadeeda la dhageysan doonaa xilli danbe sannadkan madaama loo heysto 115 dacwadood oo la xiriira sharciga dhaqaale wanaaga.

Pochettino waa tababarihii seddexaad ee joogta ah oo ay Chelsea yeelato labadii sannadood iyo bar ee ugu danbeysay. Thomas Tuchel ayaa la ceyriyay bishii September 2022 ka hor inta uu Graham Potter kooxda hogaaminin kaliya todoba bilood.

Laakiin Chelsea haatan ma awoodo inay Pochettino ceyriyo madaama lacagta magdhowga ah ay ka dhigeyso inay kooxda ku xadgudubtay sharciga dhaqaalaha taasoo sababi karta in dhibco laga jaro.