Atletico Madrid Oo Ilbidhiqsigii Ugu Dambeeyey Barbarro Ku Niyad-jabisay Real Madrid

0
97

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa xajisan weyday guul gacanteeda ku jirtay iyo saddex dhibcood oo muhiim ugu ahaa hoggaanka horyaalka LaLiga ee ay hayaan, waxaana ay ogolaadeen in ay laba dhibcood lumiyaan oo ay Atletico Madrid barbarreeyaan ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ciyaar xiiso badnayd oo ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.

Carlo Ancelotti ayaa mar kale u kufay Diego Simeone oo afar jeer oo xilli-ciyaareedkan ay iska hor yimaaddeen uu hal mar oo kaliya ka adkaaday, halka Simeone uu laba jeer dhulka dhigtay kooxda Ancelotti, marna barbarro ku qabtay.

Gool uu daqiiqaddii ugu dambaysay ee waqtiga dheeraadka ah ee lagu daray ciyaarta madax ku dhaliyey Marcos Llorente oo ay Real Madrid ka iibisay Atletico ayaa labada kooxood dhibcaha ugu qaybiyey Santiago Bernabeu.

Real Madrid ayaa niyadda gashatay in ay guuleysanayso, markii ay ciyaartoydeedu si fiican ku bilowdeen oo ay waliba gool la hormareen daqiiqaddii 20aad, kaas oo uu u saxeexay Brahim Diaz.

Laakiin fursado badan oo kale oo ay iska khasaariyeen iyo Atletico Madrid oo aan marnaba is-dhiibin ayaa keentay in ay keenaan gool uu madax ku dhaliyey Savic markii ay qaybta labaad bilaabantay hase yeeshee VAR ayaa ku qabatay in uu offside ku jiray Saul Niguez oo goolhayaha hor-taagnaa.

Joselu Mato, Rodrygo Goes iyo Brahim Diaz ayaa Real Madrid ka lumiyey fursado dahabi ahaa, waxaana markii ay dhamaadka ciyaartu soo dhawaatay uu Ancelotti go’aansaday inuu nasisto ciyaartoydiisa muhiimka ah, iyadoo Antoine Griezmann laga badbaadiyey kubbad halis ahayd oo uu cidhib ugu leexiyey dhinaca goolka.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay Real Madrid ku caddaatay in aanay haysanin difaacyo dhexe, markaas oo ay Atletico Madrid u ogolaadeen in ay dhaliyaan gool aamusiiyey Santiago Bernabeu.

Kubbad meel fog laga soo tuuray oo uu madax ku dhuftay Memphis Depay ayaa ay iska daawadeen Nacho, Mendy iyo Carvajal, waxaana meel fog uga soo orday Marcos Llorente oo madax ku dhuftay isla markaana shabaqa ku leexiyey.

Nacho ayaa isku dayey inuu lugta la doonto kubadda oo uu si kasta u maarayn karayey, laakiin waxa uu ogolaaday in isaga oo kabtankii kooxdiisa ah laga dhaliyo kubbad uu isgu lahaa oo uu ka gaabiyey.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay hoggaanka horyaalka ku hayso 58 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka horreysaa Girona oo haysat 56 dhibcood, halka Barcelona ay leedahay 50 dhibcood iyo Atletico oo soo gashay kaalinta afraad oo leh 48 dhibcood.