Arsenal Oo Si Xun U Garaacday Liverpool Iyo Premier League Oo Waji Kale Yeeshay

0
56

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 3-1 ku karbaashtay Liverpool oo ay kasoo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee ay Reds ku socotay, iyadoo farqtiga dhibcaha laga horreeyana kusoo koobtay laba kaliya.

Arsenal ayaa bilowgii ciyaartaba muujisay inay guuleysanayso markii ay guuleysanayso, iyadoo afar gool oo ka dhashay garoonka ay intaba dhaliyeen ciyaartoyda Arsenal oo saddex ku hubsaday shabaqa Liverpool, midna goolkooda ku leexiyey kubadda.

Liverpool oo ciyaarta ku dhamaysatay 10 ciyaartoy markii casaan laga siiyey difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo laba kaadh oo digniin ah qaatay intii ay ciyaartu socotay.

Bukayo Saka ayaa gool qurux badan ku furay ciyaarta, kaddib markii kubbad ay 17 ciyaartoy oo Arsenal ah isku dhiibeen uu xerada ganaaxa la yimid Kai Havertz oo uu ka badbaadiyey Alisson Becker, balse ay kubaddu u tagtay Bukayo Saka oo hal taabasho ku dhamaystiray.

Arsenal ayaa heshay fursado badan oo kale oo qaybta horeba ay ku dili karayeen, hase yeeshee Liverpool ayaa iyagana uu laba jeer kubbado ka lumiyey Cody Gakpo.

Dhamaadka qaybta oo ay ka hadhsan tahay laba daqiiqadood ayuu Gabriel Magalhaes iska dhaliyey gool ay Liverpool si weyn ugu dabbaal-degtay oo ay u qaateen inay kusoo laaban doonaan, isla markaana libin ku heli doonaan, waxaana lagu kala nastay 1-1.

Leandro Trossard oo beddel kusoo galay ayaa kubbad uu kasoo qaatay garabka bidix, waxa uu ula tegay goolhaye Alisson oo uu kubadda ka dhax-saaray labadiisa lugood, waxaanay sidaas ciyaartu ugu soo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Arsenal.