Koonfur Afrika Oo Rikoodheyaal Ku Garaacday Xulkii Laga Yaabbanaa Ee Cape Verde Oo Dhamaadkii Is-dhiibay

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Koonfur Afrika ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeedda koobka qaramada Afrika, kaddib markii ay rikoodheyaal ku garaaceen Cape Verde oo ahayd xulka sannadkan laga yaabban yahay ee isku muujiyey tartanka ka socda waddanka Koonfur Afrika.

Ciyaar qurux badanyd oo si adag ay ugu dagaallameen ciyaartoyda Koonfur Afrika iyo Cape Verde ayaa lagu kala baxay rikoodheyaal markii ay ciyaartoydu awoodi waayeen inay wax goolal ah kala dhaliyaan.

Fursado badan oo ay koox walba heshay ayaanay ka faa’iidaysanin waxaanay  ku kala baxeen tiradii ugu yarayd ee goolal rikoodheyaal ah ee in muddo ah laga diiwaangeliyo tartamada waaweyn ee qaaradaha.

Cape Verde ayaa firfircooni badan samaynaysay labadii qaybood ee waqtiga caadiga ah ee ciyaarta, laakiin waxa ciishay khibrad yaraan iyadoo Koonfur Afrika u adeegsanaysay khibrad dhinaca iska caabbinta ah inkasta oo ay dhawr jeer ku baxsadeen nasiib iyo goolhayahooda aadka u fiicnaa.

Garsooraha ciyaarta ayaan wax cadaadis ah oo dhinaca ciyaartoyda kaga imanayey ku dareemin 120 daqiiqadood iyo daqiiqado kale oo dheeraad ahaa oo ay ciyaartu socotay, waxaana waqtigii ciyaartu uu kusoo dhamaaday goolal la’aan 0-0 ah.

Rikoodheyaal ayaa loo dhigay labada xul si uu midkood ugu gudbo wareegga afar dhamaadka, waxaana 2-1 ku adkaatay Koonfur Afrika.

Saddexdii ciyaartoy ee ugu horreeyey ee Cape Verde ayaa khasaariyey rikoodheyaasha waxaana ka qabtay goolhayaha xulka qaranka Koonfur Afrika Ronwen Williams, halka Mokuena oo laagtay rikoodhihii koowaad ee Koonfur Afrika uu dhaliyey.

Labadii ciyaartoy ee xigay ee Koonfur Afrika ayaa lumiyey rikoodheyaashooda oo midna uu birta dul-mariyey midna laga qabtay, halka Cape Verde uu rikoodhahoodii afraad u laaday Texeira oo noqday laacibka kaliya ee dhaliyey rikoodheyaashii ciyaartoyda xulkiisa, waxaana u jawaabay Mvaria.

Laadkii ugu dambeeyey ee xulka Cape Verde oo ay ku xidhanyd rajadoodu ayaa laga qabtay, waxaana sidaas ku dabbaal-degay Koonfur Afrika oo iska xaadirisay afarta u dambaysa.