Nigeria Iyo DR Congo Oo Iska Xaadiriyey Semi-finalka Koobka Qaramada Afrika Iyo Mucjisada Sannadkan Laga Baqayo.

0
64

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Nigeria ayaa noqday dalkii koowaad ee usoo baxay wareegga semi-finalka Koobka Qaramada Afrika, kaddib markii ay fiidkii hore guul cidhiidhi ah ka gaadheen Angola oo ay gool madi ah kaga takhaluseen, iyagoo guushanna ku waayey weeraryahankooda Victor Osimhem oo kaga dhaawacmay.

Nigeria ayaa waxa guusheeda go’aamiyey Lookmann oo ah dhaliyahooda iyo hoggaamiyahooda dhabta ah ee sababta u ahaa labadii guulood ee ugu dambeeyey ee ay kaga soo gudbeen wareegga 16ka iyo siddeedda intaba, isaga oo labadaas ciyaarood ku dhaliyey saddex gool.

Dhamaadka qaybta hore oo ay afar daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayuu Lookmann shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Moises Simon, hase yeeshee Angola oo ahayd xulka ku gacanta sarreeyay awoodda ayaa iska lumiyey laba fursadood oo caddaan ahaa oo gool loo qaatay, iyagoo sidoo kalena toddoba jeer toogtay goolka Nigeria.

Victor Osimhem ayaa Nigeria u dhaliyey gool labaad dhamaadka ciyaarta oo ay 15 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, hase yeeshee VAR ayaa goolkaas ka diidday, iyadoo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartana uu Osimhem dhaawac kaga baxay garoonka.

Angola ayaa uu nasiibku diiday oo kubbad ay u maleeyeen in ay gool noqonayso oo ay ciyaarta barbarraynayaan ay birta kaga dhacday Zini, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Nigeria.

Xulka qaranka Nigeria ayaa waxa uu semi-finalka la ciyaari doonaa Cape Verde iyo South Afrika midkooda soo gudba.

Dhinaca kale, mucjisada laga baqayo ee sannadkan ayaa waxa noqday xulka qaranka DR Congo oo hore usoo reebay Masar oo ay wareeggii 16ka kusoo cuneen, haddana waxa ay waddada ku rideen Guinea oo ka mid ahayd dalalka xooggan ee ku hubaysan xiddigaha waaweyn sida Naby Keita Iyo Guirassy.

DR Congo ayaa waxa ay 3-1 ku garaacday Guinea oo gool kala hormartay ciyaarta oo socotay 20 daqiiqadood, taas oo ay ugu beddeleen saddex gool oo ay qaybsadeen Mbemba, Yoane Wissa, iyo Masuaku.

Wareegga semi-finalka, waxa DR Congo ay ku sugaysaa xulka martigelinaya ee Ivory Coast iyo Mali midkooda soo gudba,