Koobi Mainoo Oo Guul Cajiib Ah Ku Hoggaamiyey Manchester United.

0
103

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul layaableh kasoo gaadhay Wolves oo ay isla rafaadeen, isla markaana iska dhaliyeen toddoba gool, taas oo laba daqiiqadood oo isku xiga ay marba koox murugaysnayd.

Manchester United oo la daalaa-dhacaysay guul-darrooyin, ayaa waxa ay 4-3 kaga adkaatay Wolves oo ayku booqatay Molineux Stadium, halkaas oo ay afarta ciyaartoy ee Rashford, Hojlund, McTominay iyo dheemanka libinta keenay ee Kobbie Mainoo ay goolasha United ku qaybsadeen.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ee waqtiga dheeraadka ah ayay murugo madaxa qabsadeen ciyaartoyda, tababaraha iyo taageereyaasha Manchester United oo uu dhaxdooda fadhiyey Sir Alex Ferguson oo la qaybsanayay waqtiga adag, laakiin Mainoo ayaa noqday shimbirkooda oo waqtiga dheeraadka ah oo sii dhamaanaya u dhaliyey gool qurux badan.

Marcus Rashford oo canaan badan loogu jeedinayay hab-dhaqan uu ku kacay toddobaadkii hore ayaa Manchester United hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 5aad ee bilowga ciyaarta, waxaana gool labaad raaciyey Rasmus Hojlund daqiiqaddii 22aad, iyadoo weeraryahanka reer Denmark ay u furantay dhalinta goolashu.

Qaybta hore ayay labada kooxood ku kala nasteen Manchester United oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 2-0, isla markaana lumisay fursado badan oo intooda badan uu nasiibku diiday Hojlund oo gool laga diiday, Casemiro oo shabaqa soo taabtay oo offside lagu qaaday iyo Garnacho oo si fudud kusoo burburinayay difaaca laakiin aan shabaqa haleelin.

Wolves ayaa daqiiqaddii 85aad keentay gool labaad oo si weyn niyaddooda usoo kiciyey, waxaanay awoodeen inay gool saddexaad keenaan daqiiqaddii 90+5 oo uu laacibka reer Portugal ee Pedro Neto.

Laakiin daqiiqaddii 90+7aad ayay Manchester United keentay goolka guusha oo uu u dhaliyey da’yarka khadka dhexe ee Kobbie Mainoo, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 4-3.