Jose Mourinho Oo Loo Magacaabayo Manchester United Iyo Xasuustiisa Old Trafford.

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa si lama filaan ah ugu soo laabanaya kooxdiisii hore ee Manchester United, waxaana lagu beddelayaa Erik ten Hag oo sannad iyo badh uu joogay Old Trafford ay quus ka istaageen taageereyaasha Red Devils.

Mourinho oo shaqo la’aan noqday markii ay AS Roma shaqada ka caydhisay, ayaa la sheegay in shaqo qabyo ka ah ay ka taallo Old Trafford oo uu dib ugu laabanayo si uu u dhamaystirto hawshii u taallay, iyadoo muddadii uu joogayna uu u qaaday Europa League.

Sannadkii 2016 ayaa Jose Mourinho loo magacaabay tababaraha Manchester United, isagoo beddelay Louis van Gaal, balse waxa la eryey December 2018, isaga oo waqtigaas rumaysnaa in uu kooxda kusoo celiyey dariiq wanaagsan.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay, in Sir Jim Ratcliffe iyo shirkaddiisa INEOS oo hadda maamulaya Manchester United ay doonayaan inay tababaraha kooxda u magacaabaan Jose Mourinho oo markii uu kooxda ka tegayna ay muddo lix sannadood ku dhow koob la’aan ahaayeen.

Qof saaxiib dhow la ah Jose Mourinho oo la hadlay Daily Mail ayaa yhidhi: “Jose waa uu ogol yahay inuu dib ugu laabto United. Waxa uu dareensan yahay in shaqo qabyo ah ay ka taallo halkaas marka la eego sidii uu markii ugu dambaysay ku dhamaystay, waxaana hadda yoolkiisu yahay inuu ku laabto.”

61 jirkan ayaa muddadii uu joogay Old Trafford waxa uu Manchester United u qaaday Europa League iyo Carabao Cup oo xilli-ciyaareedkiisii koowaad ahaa, halka horyaalka Premier League uu keenay kaalinta labaad oo ay muddo hore ugu dambaysay.

Jamaahiirta Manchester United ayay lama filaan ku noqon doontaa in la eryo Erik ten Hag oo lagu beddelo Jose Mourinho, laakiin illaa bisha May ee uu xilli-ciyaareedku soo xidhmayo ayaa wax badan beddeli karto.

Tartanka kaliya ee Manchester United ay hadda ku guuleysan karayso waa FA Cup oo ay wareegga shanaad usoo gudbeen, maadaama horyaalka Premier League ay fadhiyaan kaalinta siddeedaad.

Jose Mourinho ayaa markii uu ka tegay Manchester United waxa uu noqday macallinka Tottenham oo uu waqti kooban joogay, halka laba sannadood iyo badhna uu ahaa tababaraha AS Roma.