Carlo Ancelotti Oo Ugu Dambayn Jabiyey Rikoodhkii Zinedine Zidane Ee Real Madrid.

0
86

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guushii soo-laabashada ahayd ee ay Real Madrid ka gaadhay Las Palmas fiidkii Sabtidii waxa ay rikoodh u ahayd tababare Carlo Ancelotti oo noqday macallinka labaad ee ugu guulaha badan taariikhda Real Madrid, isaga oo dhaafay Zinedine Zidane oo ay hore iskugu mid u ahaayeen.

Real Madrid ayay u ahayd markii siddeedaad ee ay guul soo laabasho ah gaadho xilli-ciyaareedkan horyaalka LaLiga, iyagoo illaa hadda laga badiyey hal mar oo kaliya.

Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu kaalinta labaad ku jirto isla markaana hal dhibic ka dambayso Girona oo hal kulan dheer, ayaa waxa natiijada ciyaartii Sabtidii ay taariikhda u gashay Carlo Ancelotti oo diiwaanka gashaday guushiisii 124aad intii uu ahaa tababaraha Real Madrid, isaga oo sidaas ku noqday tababaraha labaad ee ugu guulaha badan.

Ancelotti ayaa marka la iskugu geeyo dhamaan kulamadii uu tababaraha u ahaa Real Madrid oo uu laba-jeer oo kala duwan layliyey, waxa uu isugeyn tababare u ahaa 174 ciyaarood oo 124 ka mid ah ay guuleystaan, waxaana uu sidaas ku dhaafay Zidane oo isaguna 183 ciyaarood oo uu tababare u ahaa Real Madrid ay guuleysteen 124 ka mid ah.

Waxa kaliya oo hadda ka horreeya Zidane tababaraha ugu guulaha badan taariikhda Real Madrid oo ah Miguel Munoz oo 257 guulood ku hoggaamiyey Real Madrid oo uu muddo dheer laylinayay.

Dhinaca koobabka, Zinedine Zidane iyo Carlo Ancelotti ayaa min 11 koob ku hoggaamiyey, waxaana kaliya ka horreeya Munoz oo 14 koob u qaaday intii u dhaxaysay 1961kii illaa 1972kii oo uu si xidhiidh ah u laylinayay, waxaana koobabkaas ku jira sagaal horyaal oo LaLiga ah iyo laba Copa del Rey.