0ka Kubbad-sameeye Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo La Shaaciyey – Yaa Kaga Jira Kooxdaada?

0
126

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qiimayn cusub oo la sameeyey ayaa waxa lagu soo bandhigtay 20ka kubbad-sameeye ee ugu wanaagsan adduunyada waqtigan, kuwaas oo laga eegay dhinacyo badan sida dhismaha kubadda, dhalinta goolasha iyo xeeladaha hoggaamineed ee ay ku hagaan kooxahooda.

Halka Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ay adduunyada ku haystaan gool-dhalinta waqtigan, khadka dhexe ee hadda la qiimeeyeyna waa kuwa aanay la’aantood kooxahoodu sida ay hadda yihiin ahaanayn, isla markaana weerarka ku haga kubbadaha ay dhalinayaan.

Ciyaartoyda ay ka mid yihiin Jude Bellingham, Kevin De Bruyne iyo Declan Rice ayaa ka mid ah kuwa ay indhuhu hayaan ee ku jira liiskan, iyadoo laacibka reer England ee Rice oo khadka dambe ee kubbad- burburinta ku qoran uu haddana marar badan kubbadaha ka shaqeeyo, sidoo kalena uu saddex gool u dhaliyey kooxdiisa Arsenal ee uu xagaagii uga soo wareegay West Ham.

Qiimayntan cusub oo dul istaagtay waxqabadka ciyaartoyda ee 12kii bilood ee ugu dambeeyey, waxa kaalinta koowaad ku jira Kevin De Bruyne oo ka caawiyey Man City inay ku guuleysato FA Cup, Premier League iyo Champions League, isaga oo 49 kulan oo xilli-ciyaareedkii 2022-23 uu u saftay dhaliyey 10 gool iyo 31 kale oo uu caawiye ka noqday.

Waxa kaalinta labaad ku jira oo aanay cidina dood ka keeni karaynin, in ruug-caddaaga Real Madrid ee Luka Modric uu yahay xiddigaha ugu wanaagsan ee khadka dhexe, waxaana xilli-ciyaareedkii 2022-23 uu u saftay 52 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 6 gool iyo 6 kale oo uu caawiye ka noqday.