Carlo Ancelotti Oo Dalbaday In Karim Benzema Dib Loogu Soo Celiyo Real Madrid.

0
115

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Karim Benzema waxa uu haystaa lix maalmood oo kaliya si uu uga dhaadhiciyo kooxdiisa Al-Ittihad in loo ogolaado inuu dib ugu laabto Yurub qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkan socda, kaddib markii markii uu Sucuudiga kusoo qaatay lix bilood oo ku adkaa.

Real Madrid ayaa la sheegay inay sugayso go’aanka Karim Benzema iyo inay ogaato booska ay arrintan ka taagan tahay kooxda Al-Ittihad, waxaana mar kale u gacan haadinaya tababarihiisii hore ee Carlo Ancelotti oo doonaya inuu kusoo celiyo garoonka uu laacibkani muddada 14ka sannadood ah ka ciyaarayay.

Arsenal, Manchester United, Chelsea iyo Olympiuqe Lyon ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa Benzema, waxayse caqabadda weyn ee dabarka ku ah kooxaha Yurub ay tahay mushaharka waallida ah ee uu laacibkani ka qaato Al-Ittihad, kaas oo sannadkii ah €100 milyan oo Gini.

Benzema ayaa ku qasbanaan doona inuu mushaharkiisa si weyn hoos ugu dhigo si uu ugu soo laabto Yurub, sababtoo ah ma jirto koox siinaysa €50 milyan oo Euro oo mushahar ah lixda bilood ee soo socda.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka dalbaday madaxweyne Florentino Perez in uu dib usoo celiyo Karim Benzema oo uu amaah kaga soo qaato Al-Ittihad inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan, si uu mar kale u hoggaamiyo afka hore ee weerarka.

Real Madrid ayaa markii uu ka tegay Benzema waxay amaah kusoo qaadatay Joselu Mato oo inta badan beddel ku yimaadda, halka booskii No.9 uu iska bannaan yahay oo ay Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes labada garab ka yimaaddaan, halka Jude ellingham uu khadka dhexe hore uga soo dhaqaaqo oo uu labadooda caawiyo.

Sport waxa uu intaa ku daray, in mar horeba ay masuuliyiinta Real Madrid ka wada-hadleen suurtogalnimada in Karim Benzema uu dib ugu soo laabto Santiago Bernabeu oo uu muddo kooban ku qaato kaddibna uu xagaaga dib ugu laabto Sucuudiga.

Benzema ayaa Real Madrid ay sannadkii 2009 kasoo iibsatay kooxda reer France ee Lyon, waxaana muddadii 14ka sannadood ahayd ee uu joogay uu kula guuleystay 25 koob oo ay ku jiraan shan Champions League.