Liverpool vs Chelsea – Finalka Carabao Cup Oo La Go’aamiyey Iyo Waqtiga La Ciyaarayo

0
135

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Finalka tartanka Carabao Cup ayaa si rasmi ah loo go’aamiyey kooxaha ciyaaraya, goobta iyo waqtiga, kaddib markii ay Liverpool barbarro 1-1 ah la gashay Fulham lugta labaad ee semi-finalka laakiin ay usoo gudubtay ciyaarta u dambaysa maadaama ay lugtii hore ee Anfield ay kusoo adkaadeen 2-1, taas oo wadarta ka dhigtay in Reds ay kusoo gudubtay 3-2.

Liverpool ayaa waxa ay finalka kula ballantay Chelsea oo Salaasadii usii gudubtay markii ay xasuuq 6-1 ahaa u geysatay kooxda heerka labaad ee Middlesbrough oo nasiijo lama filaan ahayd ka heshay lugtii hore, isla markaana ku badisay 1-0, halka loogu beddelay lix gool ciyaartii labaad.

Tababare Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu inta badan maamulaysay ciyaarta oo ka dhacday garoonka Cragen Cottage ayaa waxa hoggaanka u dhiibay Luis Diaz oo kubbad ka helay difaaca da’da yar ee Jarell Auansah, taas oo uu si fudud ugu araacay goolhaye Bernd Leno oo dedaal badan sameeyey intii ay ciyaartu socotay.

Kooxda tababare Marco Silva ayaa heshay barbarro uu u keenay Issa Diop oo shabaqa Liverpool ku celiyey kubbad uu goolhaye Caoimhim Kelleher ka badbaadiyey Harry Wilson.

Liverpool ayay u tahay markii 14aad ee ay u gudubto finalka Carabao Cup ee hore loo odhan jiray League Cup, kaas oo waqti horeba ay kula dagaallami doonaan Chelsea si ay ugu guuleysan karaan koobkoodii koowaad ee xilli-ciyaareedkan bisha February, si aanay ugu dhicin sidii xilli-ciyaareedkii hore ee 2022-23 oo ay koobab la’aan ku dhamaysteen.

Finalka Carabao Cup ee Liverpool iyo Chelsea ayaa la ciyaari doonaa maalin Axad ah oo ay taariikhdu tahay February 25, 2024 oo ku beegan bil kaddib.