CHAMPION!! Inter Milan Oo Markii 3aad Oo Xidhiidh Ah Ku Guuleysatay Koobka Italian Super Cup.

0
77

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gool madi ahaa oo uu waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta dhaliyey kabtanka Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa kala saaray Inter iyo Napoli oo si adag ugu dagaallamay ciyaar aan waxba la iskula hadhin oo fursado badan ay iska lumiyeen labada kooxood.

Kubbad uu soo dhiibay Benjamin Pavard ayaa waxa shabaqa ku leexiyey Lautaro Martinez daqiiqaddii 90+1, xilli ay labada kooxoodba filayeen in waqti dheeraad ah illaa rikoodheyaal la isla gaadhi doono.

Inter oo ahayd kooxda inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa qaybtii hore la timid gool uu u dhaliyey Lautaro Martinez, hase yeeshee VAR ayaa diidday inkasta oo aanay taasi waxba ka dhimin dedaalkii ay samaynayeen ciyaartoyda Inter.

Tartankan oo lagu ciyaarayay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa hurudday Napoli oo ay muuqatay inay tabayeen weeraryahankooda Victor Osimhem oo ku maqan xulka qaranka Nigeria ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Afrika.

Napoli ayaa sidoo kale u jabtay Simeone oo kaadh casaan ah ka qaatay daqiiqaddii 60aad, waxaana kaliya Napoli ay goolka toogatay saddex jeer oo mid kaliya ay kubadda goolka ku hagaajiyeen, halka Inter Milan ay 11 jeer goolka toogatay oo lix ka mid ah ay goolaha faraha ku caseeyeen, kuwaas oo mid ka mid ah ay gool u beddeleen.