Jude Bellingham Oo Laga Ganaaxayo Inuu U Ciyaaro Real Madrid.

0
124

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waayi doonta xiddigeeda khadka dhexe ee Jude Bellingham ciyaarta adag ee Las Palmas ee horyaalka LaLiga, sababtoo ah laacibkan ayaa waxa uu waajihi doonaa ganaax hal kulan ah haddii uu maanta ilaalin waayo akhlaaqaddiisa.

Los Blancos ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu waxay maanta ku qaabbili doontaa Almeria, waxaana ay u dagaallami doonaan inay kusoo laabtaan jidka guusha ee ay ka leexdeen markii ay Khamiistii Atletico Madrid 4-2 ku karaashtay ee ay ka reebtay tartanka Copa del Rey.

Carlo Ancelotti ayaa kooxdiisu ay awoodi doontaa inay kasii fogaato Barcelona iyo Atletico Madrid haddii ay guul ka keento Almeria, laakiin kulanka xiga ee Las Palmas ayay halis ugu jiraan inay lumiyaan Jude Bellingham.

Xiddiga reer England ee oo xagaagii ay Real Madrid kasoo iibsatay Borussia Dortmund ayaa hore usoo qaatay afar kaadh oo digniin ah oo horyaalka LaLiga ah, waxaana haddii uu maanta qaato kaadhkiisa shanaad uu ka hadi doonaa safarka ay kooxdiisa Los Blancos ku tegi doonto Gran Canaria toddobaadka dambe, halkaas oo ay ku booqan doonaan Las Palmas.

Bellingham oo ah ciyaartoyga aanay ka maarmi karaynin Real Madrid, ayaa hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta xilli-ciyaareedkan ee horyaalka LaLiga, waxaana uu saxeexay 13 gool, isaga oo hal gool ka horreeya Alvaro Morata oo labaad ku jira.