DEG-DEG: Manchester United Oo Soo Afduubatay Khabiirkii Man City

0
59

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa soo afduubatay khabiirkii Manchester City ka hagayey daaha dabadiisa ee ka shaqaynayay dhismaha iyo soo-urursiga ciyaartoyda guulaha waaweyn usoo hooyey Etihad Stadium shantii sannadood ee ugu dambeeyey.

Manchester United oo markii uu Sir Jim Ratcliffe la wareegay maamulka kooxda, sidoo kalena uu iibsaday 25% mulkiyadda Man United, ayaa waxa ay raadinaysay beddelka Richard Arnold oo ahaa agaasimaha fulinta kooxda oo shaqada laga caydhiyey.

Red Devils ayaa waxa ay agaasimaheeda cusub ee fulinta u magacowday Omar Berrarda oo ud hashay waddanka Spain oo xilkaas ka hayay Manchester City laakiin iska casilay si uu u tago Old Trafford.

Berrarda oo muddo soo ahaa madaxa qaybta ciyaarraha ee City oo uu saddex sannadood iyo badkii ugu dambeeyey xafiiskaas joogay, laakiin sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey ku sugnaa Etihad Stadium, ka horna siddeed sannadood kasoo shaqeeyey Barcelona, ayaa waxa bixitaankiisa maanta shaacisay Man City.

War-saxaafadeed ay soo saartay Man City ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubadda cagta Manchester City waxay xaqiijinaysaa in Omar Berrada uu iska casilay xilkii madaxa kubadda cagta City Football Group. Kooxda waxa ay fahamsan tahay go’aanka uu Omar Berrarda ku doonayo inuu tago naadi kale, waxaananu u rajaynaynaa wanaag.”

Ciyaartooyo waaweyn oo ay Manchester City la saxeexatay ayaa uu masuul ka ahaa in ay yimaaddaan Etihad Stadium, waxaana hadda uu maamuli doonaa Manchester United oo horyaalka Premier League oo ay ku guuleysato ay ugu dambaysay sannadkii 2013.