Garsooraha Lugta 2aad Ee Semi-finalka Carabao Cup Ee Liverpool vs Fulham Oo La Shaaciyey.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa ka cadhootay garsooraha loo magacaabay ciyaarta lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ee Fulham, waana garsoore ay hore uga tirsanayeen eex iyo go’aamo liitay oo uu kaga dafiray goolal, sidoo kalena uu casaan ku siiyey Diogo Jota.

Xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ayaa shaaciyey garsooraha dhexe, VAR, garsooraha afraad iyo calan-wadeyaasha ciyaarta adag ee Liverpool ay magaalada London ugu tegi doonto Fulham, iyadoo lugtii hore ee Anfield ay 2-1 ku adkaatay Liverpool.

Garoonka Craven Cottage oo go’aamin doona kooxda iska xaadirinaysa Wembley oo lagu ciyaari doono finalka, ayaa waxa loo magacaabay ciyaartan in uu dhaxdhaxaadiyo garsoore Simon Hooper oo ahaa garsoorihii VAR ee hayay ciyaartii ay Liverpool guul-darrada 2-1 kala kulantay Tottenham, taas oo uu diiday gool sax ahaa oo uu Luis Diaz u dhaliyey Liverpool ka hor intii aanay Tottenham hoggaanka ciyaarta qabanin.

Premier League iyo xidhiidhka garsooreyaasha PGMOL ayaa maalmo kaddib ciyaartaas waxa ay qireen in goolkaasi uu sax ahaa oo si qaldan lagu diiday, halka uu Simon Hooper go’aamiyey in casaan la siiyo Curtis Jones oo uu VAR uga eegay qalad uu sameeyey, iyadoo Diogo Jota na casaan lagu saaray waqti dambe.

PGMOL waxay soo bandhigeen codadkii garsooreyaasha iyadoo Simon Hooper uu ku adkaysanayo in goolka Luis Diaz uu OFFSIDE yahay, sidaasna uu ku diiday, laakiin PGMOL waxa ay raalligelin ka siiyeen Reds qaladkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Arbacada toddobaadka soo socda ayaa uu Simon Hooper noqon doonaa garsooraha dhexe, iyadoo ay calanwadeyaal u noqonayaan Adrian Holmes iyo Simon Long, halka Tony Harrinton loo magacaabay gasooraha afraad.