“Waan Tegayaa Marka …” – Kylian Mbappe Oo Ugu Dambayntii Qirtay Inuu Ka Tegayo PSG

0
53

 

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kylian Mbappe ayaa shaaciyey inay suurtogal tahay inuu ka tago kooxdiisa PSG, laakiin waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo go’aankiisa mustaqbalka dhow, halka uu fartiisa ku goday mustaqbalka fog iyo laba meelood oo aanu midkoodna albaabada ka xidhan karaynin.

Kylian Mbappe oo si weyn loola xidhiidhinayo kooxda reer Spain ee Real Madrid oo sugaysa in bisha June ay si xor ah ula wareegto, halka PSG ay si adag ugu dagaallamayso inay sii xajisato.

25 jirkan ayaa waraysi uu siiyey wargeyska GQ Magazine, waxa uu ku sheegay in qorshihiisa hadda uu yahay in uu dalkiisa uga qayb-galo ciyaaraha Olombikada si uu xulka qarankiisa ugu yeesho taariikh mahadho ah.

Su’aal laga weydiiyey mustaqbalkiisa ayaan lagu dul-istaagin waqtiga dhow, waxaase la weydiiyey haddii uu qorshaynayo in mustaqbalka uu ka ciyaaro horyaalka Sucuudiga ama Maraykanka, waxaanu ku jawaabay: “Ciyaartooyo badan oo wanaagsan oo taariikh ku leh kubadda cagta ayaa ka tegay Yurub xagaagan, waxaananu xiisaynaynaa waaga cusub ee kubadda cagta.

“Waa arrin iska caadi ah. Waa sunnaha ciyaaraha in aad meel ka tagto oo aad meel kale aaddo, aniguna waan tegi doonaa marka la gaadho. Isbedelladani aniga ima walwal gelinayaan, waxaanan kaliya ka fikirayaa in aan xirfaddayda usii wato sida aan anigu doonayo.”