Barcelona Oo Lagu Qasbay Inay Iibiso Xiddigihii Ay Ku Dhegsanayd.

0
64

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la sheegay in ay suuqa dhigayso oo ay iibinayso laba ciyaartoy oo halbowle u ah, kuwaas oo hore ay ugu dhegsanayd xataa iyadoo ay jireen duruufo dhaqaale.

Barcelona oo Axaddii ay soo gaadhay guul-darro 4-1 ah oo finalka Spanish Super Cup oo ay Real Madrid ku garaacday, ayaa waxa la sheegay in xaaladdooda dhaqaale ay kasii dari doonto.

Koobkan oo ay ku guuleysato ayay Barcelona woxoogaa kaga nafisi lahayd dhibaatada dhaqaale, waxaase ay hadda ka fiirsanayaan in ay iska diraan oo ay iibiyaan qaar ka mid ah ciyaartoyda waaweyn ee ay lacagta badan ka helayaan, taas oo sidoo kale meesha ka saari doonta mushaharooyinka badan ee ay qaataan.

Sida uu qoray wargeyska SPORT, Deco ayaa doonaya in uu kooxda ka diro ciyaartoyda culayska dhaqaale ku haya, sidoo kalena waxa uu Xavi ku riixayaa in uu ku dhegsanaado qaabka 4-3-3 oo ciyaartii El Clasico ee Axaddii uu ka guuray.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo la sheegay in toddobaadkii uu mushahar u qaato €625,000 Euro iyo khadka dhexe ee reer Germany ee Ilkay Gundogan oo xagaagii tegay si xor ah ugaga soo wareegay Manchester City.

Gundogan oo qandaraaskiisa Barcelona uu soconayo illaa sannadka 2025 ayay ka samayn karayaan faa’iido dhaqaale maadaama ay da’diisu weyn tahay, halka De Jong uu yahay culayska ugu weyn ee dhaqaale ee haysata kooxda.