YAAB: Waddanka Afrika Ee Uu Curtis Jones U Ciyaari Karayo Iyo Xidhiidhka Ka Dhexeeya

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool ee Curtis Jones waxa uu wali haystaa fursad uu kaga qayb-galo tartanka qaramada Afrika, si uu madax-xanuunka ugu sii kordhiyo tababare Jurgen Klopp, waxayse su’aashu tahay waddanka Afrikaanka ah ee ay xididka wadaagaan ee uu sharcigu u ogol yahay Curtis Jones inuu u ciyaaro.

Tartanka qaramada Afrika oo labadii sannadoodba hal-mar la qabto inta u dhaxaysa bilaha January iyo February, ayaa waxa Liverpool sannadihii ugu dambeeyey ka tegayay xiddigo waaweyn sida Mohamed Salah oo hadda ku maqan iyo Sadio Mane oo sannad iyo badh ka hor ay Liverpool ka iibisay Bayern Munich oo uu usii dhaafay Al-Nassr.

Mohamed Salah ayaa maqnaanshihiisu ay madax-xanuun ku abuurtay tababare Jurgen Klopp, laakiin waxa arrinta uga sii dari karaya haddii uu Curtis Jones go’aansado inuu ka tanaasulo Ingiriiska oo uu u ciyaaro Nigeria oo uu sharcigu u ogol yahay.

2 jirkan ayaa waxa reer Nigeria ahayd ayeeydii, waxaana uu sharcigu u ogolaanayaa inuu u ciyaari karo dalkaas maadaama aan wali loogu yeedhin xulka qaranka England oo kaliya da’yartiisa uu u dheelay.