DEG-DEG: Xiddigii Sannadka Ee FIFA The Best Oo Lagu Dhawaaqay – Messi, Haaland Mise Mbappe?

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee The Best ee sannadka 2023 ee ay bixiso FIFA, waana markii saddexaad ee uu laacibkani qaato abaal-marintan.

Xiddiga reer Argentina ayaa sannadihii 2019 iyo 2022 ku guuleystay abaal-marintan, waxaana uu ku garaacay Kylian Mbappe oo ay xilli-ciyaareedkii hore u wada ciyaari jireen PSG iyo Erling Haaland oo ahaa mishiinkii goolasha ee Manchester City ka caawiyey guulihii taariikhiga ahaa ee xilli-ciyaareedkii hore.

36 jirkan siddeedda jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or oo bishii October qaatay markiisii ugu dambeeyey isaga oo ku mutaystay in xulka dalkiisa uu u qaaday Koobkii Adduunka 2022, ayaa waxa kale oo uu ku darsaday horyaalka Ligue 1 oo uu la qaaday PSG ka hor intii aanu ku biirin kooxda Inter Miami ee horyaalka waddanka Maraykanka.

Lionel Messi ayaa ka maqnaa xafladda abaal-marinta 2023 The Best oo lagu qabtay magaalada London, waxaana uu noqday ciyaartoygii saddexaad ee laba-jeer oo xidhiidh ah ku guuleysta, waxaana sidaas hore u sameeyey Robert Lewandowski oo sannadihii 2020 iyo 2021 qaaday iyo Cristiano Ronaldo oo 2016 iyo 017 ku guuleystay.

Luka Modric ayaa isaguna sannadkii 2018 ku guuleystay markii uu xulka qarankiisa Croatia keenay finalka Koobka Adduunka oo uu Faransiisku ka qaaday.