Xiddig Muhiim Ah Oo Barcelona Ka Maqnaanaya Ciyaarta El Clasico Ee Real Madrid Ee Finalka Axadda

0
72

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay, in xiddig muhiim ah uu ka maqnaanayo kulanka finalka Spanish Super Cup ee Real Madrid ay Axadda isku haleeli doonaan, kaas oo waliba ay si weyn u tebi doonaan maadaama uu kulamadii ugu dambeeyey goolal ka dhalinayay Los Blancos.

Garabka midig ee weerarka Brazil ee Raphinha ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Osasuna ee semi-finalka Spanish Super Cup, waxaana lagu beddelay Lamine Yamal oo booskiisa soo galay.

Deco oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona ayaa xaqiijiyey, in Raphinha uu ka maqnaanayo ciyaarta El Clasico ee Axadda ee finalka Spanish Super Cup ee magaalada Riyadh ee waddanka Sucuudiga, laakiin warbaahinta MD ee waddanka Spain ayaa sheegtay in uu muddo bil ah laacibkani ka maqnaan doono garoomada.

Warka ayaa intaa ku daray, in uu soo laaban doono toddobaad ka hor ciyaarta Champions League ee lugta hore ee wareegga 16ka ee Napoli, balse aanu wax fursad ah u haysanin ciyaarta Real Madrid ee Axadda.

Waxa kale oo uu ka maqnaan doonaa lix ciyaarood oo kale oo ay ku jiraan Real Betis, Villarreal, Osasuna iyo Alaves. Waxa kale oo fursaddiisu ay yar tahay kulamada Granada oo bil kaddib ah iyo Celta Vigo oo 18ka January ah, halka wareegga 16ka Copa del Rey uu seegi doono kulanka kooxdiisa ee Unionistas de Salamanca.

Ferran Torres ama Lamine Yamal ayaa uu tababare Xavi Hernandez ka ciyaarsiin doonaa booska garabka midig ee weerarka, balse Vitor Roque iyo Joao Felix ayaa iyaguna dookho fiican ah inkasta oo aanay boosaskoodii dabiiciga ahaa ahayn