Erik ten Hag Oo Magacaabay SADDEX Ciyaartoy Oo Ka Farxin Doona Manchester United Kulanka Tottenham

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee  Erik ten Hag ayaa shaaciyey in saddex ciyaartoy oo muhiim ah ay usoo laabteen ka hor kulanka adag ee horyaalka Premier League ee Tottenham ee Axadda, kuwaas oo uu xusay inay ka caawin doonaan kooxdiisa inay jidka guusha kusii taagnaadaan.

Ten Hag ayay kooxdiisa ragaadiyeen dhaawacyo tiro badan xilli-ciyaareedkan, waxaana uu lumiyey dersin ciyaartooyo muhiim ah oo safka koowaad ahaa, laakiin waxa tababarka kusoo noqday Luke Shaw, Lisandro Martinez iyo Casemiro.

Tababare Ten Hag oo la hadlayay saxaafadda maanta ayaa yidhi: “Waxa nasoo gaadhay dhaawacyo tiro badan laakiin maalmihii u dambeeyey waxa aanu helnay Lisandro Martinez oo tababartay, Casemiro ayaa tababarka la qaatay ciyaartoyda kale, Luke Shaw waa tababartay, sidaa daraadeed waxa jira ciyaartooyo soo laabanaya oo diyaar u ah ciyaarta Axadda.”

Ciyaartii FA Cup ee Wigan ee Isniintii, waxa Manchester United dhaawacyo kaga maqnaa Antony, Christian Eriksen iyo Amad Diallo, laakiin dhamaantood waxay dib ugu soo laabteen tababarka.

“Eriksen wuu xanuunsanayey toddobaadkan, wuuse soo laaban doonaa. Antony wuu soo noqday, Amad na wuu soo laaban doonaa. Hadda waxa aanu haysanaa dookhyo badan oo kooxda ah oo aanu ka xulano shaxda koowaad iyo beddel xoog badan oo kaydka noo fadhiyaya.” Ayuu yidhi tababare Ten Hag.

Si kastaba ha ahaatee, Ten Hag waxa uu sheegay in Tyrell Malacia iyo Victor Lindelof ay muddo kale sii maqnaan doonaan.