Victor Boniface Oo Magacaabay Kooxda Premier League Ee Uu Ku Riyoodo Isaga Oo U Ciyaaraya.

0
107

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Boniface ayaa magacaabay kooxda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee uu taageeri jiray illaa yaraantiisii, waxaana uu dabka kusii shiday wararkii suuqa ku jiray ee sheegayay inuu laacibkani ku sii jeedo horyaalka Premier League.

Victor Boniface oo xagaagii ay Bayer Liverskusen €20 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Union Saint-Gilloise ayaa markiiba si fudud u saldhigay horyaalka Bundesliga, isaga oo 10 gool u dhaliyey, siddeed kalena caawiyey kooxda tababare Xabi Alonso oo aan illaa hadda wax guul-darro ah la kulmin xilli-ciyaareedkan.

23 jirkan ayaa waxa doonaya kooxo badan oo horyaalka Premier League, balse nasiib-darro waxa uu ka dhaawacmay xulka qaranka dalkiisa ee ciyaaraha qaramada Afrika ee AFCON oo la filayay in weerarka Nigeria ay wada-hoggaamiyaan Victor Osimhem.

Victor Boniface oo u warramay halyeygii xulka qarankiisa Nigeria ee John Obi Mikel ayaa la weydiiyey kooxda uu yaraantiisii taageeri jiray ee uu ku riyoon jiray inuu u ciyaaro, waxaanu ku jawaabay: “Markii ay da’daydu yarayd, waxa aan noloshayda oo dhan taageeri jiray Arsenal.

“Waxa aan koray aniga oo taageere u ah Arsenal sababtoo ah waxa u ciyaari jiray Nwankwo Kanu. Waxa aan u jeclaa Arsenal in aan daawado Kanu. Waxay ahayd koox ay ciyaartooyo Nigeria ah u ciyaaraan, sababtaas ayaan u taageerayay.”

Victor Boniface ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee lala xidhiidhinayo Arsenal oo raadinaysa weeraryahanno.