Madaxweynaha Napoli Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Iibsan Karta Victor Osimhem

0
59

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa shaaciyey hal koox oo kaliya oo reer Yurub ah oo awoodi karta in ay iibsato weerarayahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, iyaga oo cirka ku shareeray qiimaha laacibkan.

Osimhem oo xilli-ciyaareedkii tegay kooxdiisa Napoli u dhaliyey 31 gool oo dhamaan tartamada ah, ayaa waxa uu diirradda u saaran yahay kooxaha waaweyn ee reer Yurub oo doonaya inay la saxeexdaan.

Manchester United ayaa hormood u ah oo Victor Osimhem ku darsatay liiska dhaliyeyaasha ay doonayso inay la saxeexato, waxaana dedaal badan ku bixinaya tababare Erik ten Hag, halka Chelsea ay iyaduna danaynayso laacibkan.

Bayern Munich ayaa sidoo kale xoojinaysa damaceeda Victor Osimhem inkasta oo ay garab waddo Harry Kane oo laba dalab oo ay ka gudbiyeen aanu midkoodna guuleysanin.

Napoli oo shaacisay in tababaraheeda cusub ee beddelay Luciano Spalletti uu yahy Rudi Garcia, ayaa waxay isku diyaarinaysaa in ay difaacato horyaalka ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay, waxaana ay ku dhegsan yihiin Osimhen oo ay doonayaan in ugu yaraan sannad kale ay sii haystaan.

Si kastaba, Aurelio De Laurentiis oo ah madaxweynaha Napoli ayaa shaaciyey kooxda kaliya ee reer Yurub ee awoodda u leh inay ka xoogto weeraryahanka reer Nigeria, waxaanu yidhi: “Hal koox oo kaliya ayaa awoodda inay iibsato Victor Osimhem, waana Paris Sain-Germain.

“Haddii Nasser Al Khelaifi uu doonayo Osimhem, waa in uu soo diro dalab ah €200 milyan oo Euro, annaguna waanu sugaynaa sida ay wax u dhacaan. Aniga shaqsiyan, waxay ila tahay in Victor uu sii joogi doono halkan.”