Qoysas danyar ah oo Deeq raashiin ah loogu qeybiyay duleedka Kismaayo

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa deeq Raashiin ah ugu qeybisay dadka ay saamesay abaartii ku dhufatay dalka gaar ahaan Deegaanada Jubbaland ee ku soo barakacay Deegaanka Ceel-jaalle ee waqoyiga Magaalada Kismaayo.

Waxa goobjoog ahaa madasha lagu qeybinayey deeqda raashiinka ah Wasiirka Wasaadda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Jubbaland Axmed Xasan Cumar, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Agaasime ku-xigeenka Ergayga Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya Cabdulahi Cali Geelle.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa