Kooxdii Thomas Tuchel Qalbigiisa Ku Jirtay Bayern Munich Kahor Oo Daboolka Laga Qaaday.

0
61

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Layaab ayay ku noqotay badi dadka la socda kubadda cagta Yurub markii ay Bayern Munich si lama filaan ah u go’aansatay inay shaqada ka caydhiso macalinkeedii hore ee Julian Nagelsmann.

Bavaria ayaa degdeg u magacawday tababarihii hore ee Chelsea ee Thomas Tuchel kaas oo qudhiisu shirkii jaraa’id ee maanta lagu soo bandhigay ku sheegay inay lama filaan ku noqotay caydhinta tababarihii ka horreeyay.

Nagelsmann ayaa haatan booska labaad horyaalka Bundesliga kagala jiray Bayern iyagoo hal dhibic ka dambeeyay Borussia Dortmund halka ay wareega siddeed dhammaadka Champions League qayb ka yihiin.

Si kastaba, Bayern ayaa heshiis laba sano iyo badh ah ka saxeexatay Thomas wuxuuna kulankiisa ugu horreeya kahor tagi doonaa kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund halka Champions League uu la ballansan yahay Man City.

Wargeyska Marca ayaa haatan sheegaya in Tuchel uu lahaa qorshayaal kale kahor magacaabistiisa Bavaria uu qorshaynayay shaqada Real Madrid iskuna diyaarinayay.
Waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalka tababare Carlo Ancelotti ee Madrid kaddib markii Barcelona 12 dhibcood oo nadiif ah kaga qabatay hoggaanka horyaalka La Liga.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Tuchel xataa qorsheeyay shaqaalaha tababarka Real Madrid oo uu ku darsaday daafacii hore ee kooxdaas ee Alvaro Arbeloa