Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday soo celinta xiriirka Suuriya.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Telefeshinka dowladda Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqay wada hadalka u dhaxeeya maamulada Riyadh iyo Dimishiq, si dib looggu soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed, iyo in dib loo furo safaaradaha labada dal.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah, ayaa qortay in labada dal ay doonayaan inay sameeyaan diyaar garowga lagama maarmaanka u ah furitaanka safaaradaha ka dib Ciidul Fidriga, taasoo ah muddo gaareysa bil gudaheed.

Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa sidoo kale sheegtay in go’aanka Sacuudiga uu dib ugu soo celinayo xiriirkii uu la lahaa dalka Siiriya, uu yimid kadib wada hadal uu la yeeshay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya.
Dowladaha Sacuudiga iyo Suuriya, ayaan wax xiriir ah oo diblumaasiyadeed yeelanin muddo ka badan toban sano, dib u soo celintan, ayaana ah tillaabadii ugu muhiimsaneyd ee ay Suuriya dib ugu soo laabatay kooxda dalalka Carabta.

Horumarkan diblumaasiyadeed, ayaa lagu dhawaaqay wax yar ka dib heshiiskii dowladaha Iran iyo Saudi Arabia, ee ahaa in la caadiyeeyo xiriirka, kaasoo lagu gaaray dhexdhexaadinta Shiinaha.