Xog Cusub Oo Banaanka Lasoo Dhigay Oo Muujisay Bahdilkii Kylian Mbappe U Gaystay Real Madrid.

0
96

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa daboolka laga qaaday bahdilkii uu kooxda sida weyn u doonaysay ee Real Madrid ugu gaystay heshiiskii uu kusii joogay caasimada dalkiisa France.

Mbappe iyo Real Madrid ayaa mudo dheer la xidhiidhinayay, kooxda Spanish-ka ah ayaa dalabaad aad u badan ka gudbisay xagaagii 2021 balse PSG ayaa wakhtigaas ka dhaaratay inay iibiso.

Iyadoo heshiiska uu ku joogay gegida Parc des Princes ahaa mid dhacayay xagaagii 2022 ayay Real Madrid filanaysay inuusan wax qandaraas kordhin ah samayn doonin oo si toos ah bilaash ugu soo wareegi doono.

Mbappe ayaa bishii May ee sanadkii hore gaadhay go’aan cidkasta oo arrimaha kubadda cagta wax kala socota ka yaabsaday isagoo heshiis kordhin saddex sano ah u sameeyay PSG oo ay u muuqatay inay u kala dhammaatay.

Warbixin lagu sheegay wargeyska French-ka ah ee RMC ayaa muujinaysa bahdil dheeraad ah oo uu Kylian qandaraaskaas ugu geystay PSG.
Saxafi Daniel Riolo ayaa sheegay in Mbappe bishii March uu heshiis lasii gaadhay Paris balse uu mudo laba bilood ahba meermeerinayay Madrid ugu dambayna bishii May u sheegay go’aanka uu kusii joogayo PSG.

Qandaraaska Mbappe ee Paris ayaa ah laba sano oo rasmi ah oo gaadhsiisan ilaa 2024 iyo sanadka kale oo dookh uu isagu go’aankiisa gaadhi doono ah.

Xagaaga sanadka dambe ee 2024 ayaa la filayaa in Mbappe markale lala xidhiidhiyo Los Blancos maadaama markaas markale bilaash lagu heli karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here