Kabtan Kylian Mbappe Oo Wacdarro Dhigay Xilli France Ay Paris Ku Jiid-Jiiday Netherlands.

0
119

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xulka Faransiiska ayaa sidii ugu fiicneyd ku bilowday isreebreebka Koobka qaramada Yurub ee 2024ka ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqeen xulka Netherlands.

Tababare Ronald Koeman oo ku soo laabtay shaqada xulka Netherlands ayay u aheyd soo laabasho ilowsho mudan iyadoo xulkiisa lagu jiid-jiiday magaalada Paris.

Kylian Mbappe ayaa mar kale ahaa xiddiga isku hayay xulka Le Bleus isagoo lagu xusuustay wacdarihii uu dhigay finalkii Koobka Adduunka uu seddexleey dhaliyay.

Kulankii xalay kabtan Kylian Mbappe wuxuu dhaliyay labo gool taasoo ka caawisay in France ay hogaanka u qabto Group B ee isreebreebka Koobka Euro 2024 oo Jarmalka lagu qabanayo.
Tababarihii hore ee Barcelona Koeman ayaa isku dayaya inuu maskaxdiisa ka dhaqo wixii xulkiisa ku dhacay xalay laakiin waxaa xusid mudan in la tilmaamo inay ka maqnaayeen Cody Gakpo, Matthijs de Ligt iyo Sven Botman
Labada gool kale waxaa France u kala dhaliyay Antoine Griezmann iyo Upamecano halka Memphis Depay uu rigoore ka qasaariyay Netherlands waqtigii dhimashada ciyaarta.

Kulankii kale ee Group B xulka Greece ayaa 3-0 ku xaaqay xulka Gibraltar.

Kulamada kale ee xusida mudan Group F xulka Belgium ayaa 3-0 ku xasuuqay Sweden iyadoo seddexda goolba uu dhaliyay laacibkooda weerarka Romelu Lukaku.