Arsenal oo Shaacisay Heshiiska Jorginho iyo Numberka uu Xirandoono.

0
78

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Talyaaniga ee Jorginho oo ay £12 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Chelsea, kaas oo noqonaya saxeexii saddexaad ee ay Gunners samayso suuqa bishan January.

Arsenal ayaa ogolaatay inay bixiso lacagta ay Chelsea ku xidhay iibka Jorginho oo qandaraaskiisu ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu laacibkani qalinka ku duugay heshiis sannad iyo badh ah oo uu ugu ciyaari doono Gunners, hase yeeshee waxay Arsenal haysataa dookh 12 bilood oo kale ay ku kordhin karto heshiiskiisa.

31 jirkan ayay Arsenal heshiiskiisa u dhaqaaqday markii ay ku guul-darraysatay inay la saxeexato Moises Caceido oo ay uga dhaaratay Brighton, waxaanu si degdeg ah usii dabooli doonaa booska uu ka dhaawacmay Thomas Partey oo muruqa waxyeello kasoo gaadhay Jimcihii kulankii Man City.

Arsenal oo hoggaanka horyaalka  shan dhibcood oo nadiif ah ku haysa ayaa waxa kale oo dhaawac ka ah Mohamed Elneny oo macasalaameeyey xilli ciyaareedka, iyadoo waliba qandaraaskiisa Emirates Stadium uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Agaasimaha ciyaaraha Arsenal ee Edu oo ka hadlay saxeexa Jorginho ayaa yidhi: “Jorginho waxa uu maskax xooggan ku muujiyey xirfaddiisa, tayadiisa iyo khibraddiisa oo uu kusoo kordhin doono kooxdayada.

“Waa ciyaartoy kusoo baxaya qaab-ciyaareedka kooxdayada, waxaanu nagu soo biiray waqti aad u wanaagsan oo uu gacan muhiim ah ka geysan doono sidii uu nooga caawin lahaa in aanu sii wadno socodkayaga. Waanu soo dhoweynaynaa Jorginho.”

Jorginho ayaa xidhan doona No.20, waxaana uu si degdeg ah ciyaartoyda kooxdiisa ugula biiri doonaa tababarka ay iskugu diyaarinayaan kulanka Sabtida ee Everton.