Kane, Messi, Kudus, Ronaldo, Gakpo, Rashford, Fernandes & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
108

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxa xidhan suuqa kala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kala duwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka fiirsanaya dalabka uu ka helay kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr (Telegraph).

Ronaldo ayaa laakiin wali doonaya in uu ka ciyaaro tartanka champions League walina ma aqbalin dalabka Al Nassr (Sun).

Man United ayaa wadahadalo kula jirta wakiilada xiddiga PSV ee Cody Gakpo (Fabrizio Romano).

Liverpool ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta wakiilada Cody Gakpo iyaga oo doonaya in ay saxiixa xiddiga ku garaacaan man United (Sportsmole).

Man United ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Marucs Rashford kadib qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan (Mirror).

Arsenal ayaa doonaysa in ay Man United ka afduubato xiddiga Marcus Rashford kadib dalab uu dalbaday tababare Mikel Arteta (Metro).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Bruno Fernandes Kadib koobka adduunka (Record).

Kooxaha Juventus iyo Liverpool ayaa chelsea kula biiray tartanka daafaca kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga xulka qaranka Ghana ee Mohammed Kudus (Fabrizio Romano).

Tababaraha Kooxda Barcelona Xavi ayaa doonaya in uu Messi ku soo laabto Barcelona (GOAL).

Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa in ay xiddiga Franck Kessie dib ugu soo celiso Italy (Calcio Mercato).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay suuqa January u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan (Mundo Deportivo).

Real Madrid ayaa doonaysa in ay hal mar la soo wada saxiixato xiddigaha  Harry Kane & Jude Bellingham (Spor).

Laakiin waxa ay tartan adag kala kulmi doonaa Bayern Munich oo doonaysa saxiixa xiddiga Harry kane (sportsmole).

Barcelona ayaa xaqiijisay in ay si dhaw ula socoto qaab ciyaareedka xiddiga xulka qaranka Ghana iyo kooxda Ajax ee Mohammed Kudus (RAC1).

Bayern Munich ayaa meesha ka saartay in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo (Sky Sports News).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here