Man United oo ka fiirsaneysa inay kansasho qandaraaska Ronaldo

0
132

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay kansasho qandaraaska ciyaaryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu hadallo cajiib ah ku weeraray maamulka iyo madaxda kooxda.

Sida laga soo xigtay wargeysyada “The Sun” iyo “Daily Mail”, maamulka Manchester United ayaa hadda ka fiirsanaya inay si sharci ah u joojiyaan qandaraaska Ronaldo ee Old Trafford.

Wargeyska “Daily Mail” ayaa tilmaamtay in Manchester United ay daraaseyso eedeymaha Ronaldo ee ah inuu dareemayo in kooxda ay khiyaantay, iyo inuusan ixtiraamin ka helin tababare Erik ten Hag, si loo eego inay tani ka dhigan tahay jebinta qandaraaskiisa iyo in kale.

Manchester United ayaa sugeysa soo bandhigida inta ka harsan wareysiga Ronaldo, kaasoo la baahin doono Arbacada iyo Khamiista, kahor inta aysan go’aan kama dambeys ah ka gaarin mustaqbalka Ronaldo ee kooxda.

Wargeyska Ingiriiska ayaa sheegay in madaxweynayaasha Manchester United ay diideen fikradda ah in Ronaldo uu u dhaqaaqo koox kale ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka. iyadoo Red Devils ay qaadaneyso bixinta qeyb ka mid ah mushaarkiisa.