PSG Oo Xasuuq Ay Geysatay Ugu Gudubtay Wareegga 16ka, Benfica Oo Reebtay Juventus Iyo Kooxaha xaley U Gudbay Wareegga 16ka Champions

0
118

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha kubadda cagta Paris Saint-Germain iyo Benfica ayaa usoo gudbay wareegga 16ka Champions League  kaddib markii ay xasuuqyo usoo geystaya Maccabi Haifa iyo Juventu oo kula jira Group H, iyadoo kooxda weyn ee Old Lady ay sidaas kaga hadhay tartanka Champions League.

Benfica oo garoonkeeda ku qaabbishay Juventus ayaa kusoo karbaashtay 4-3, waxaanay soo afjartay rajo aan buurnayn oo ay kooxda Talyaanigu qabtay ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin.

Tababare Massimiliano Allegri oo uu shaki weyni ku jiro mustaqbalkiisa ayaa waxa kooxdiisa lagaga naxday gool daqiiqaddii 17aad ee bilowga ciyaarta hase yeeshee Kean ayaa afar daqiiqadood gudahood ku barbarreeyey ka hor intii aanay Juventus is-dhiibin ee aanay goolkeeda u ballaqin Benfica oo saddex gool oo daran-doorri ah isku raacisay.

Xiddiga reer Portugal ee Rafa Silva ayaa saddexlay ka dhaliyey Juventus labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana midka afraad raaciyey Joao Mario, taas oo ka dhigan in Benfica ay kaalinta labaad kaga jirto Group H oo ay farqiga goolasha kaga kaga horreyso PSG oo 7-2 ku xasuuqday Maccabi Haifa.

Kylian Mbappe iyo Lionel Messi ayaa min laba gool u dhaliyey PSG, iyadoo mid kalena uu saxeexay ruug-caddaaga Spain ee Sergio Ramos, halka midka lixaadna ay iska dhalisay Maccabi Haifa, goolka toddobaad oo waqti dambe dhashayna waxa kusii daray Soler oo beddel kusoo galay.

Juventus ayaa waxay hadda kaalinta saddexaad kula tartami doontaa kooxda Yuhuudda ah ee Maccabi Haifa oo ay min saddex dhibcood haysataan, waxaanu midkood u gudbi doonaa Europa League halka kooxda kalena ay tartanka ka hadhi doonto.

Dhinaca kale, Manchester City iyo Borussia Dortmund ayaa kasoo baxay Group G, kaddib markii ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen kulan ka dhacay Jarmalka oo Man City ay isbeddello badan samaysay.

Pep Guardiola ayay kooxdiisu kusoo baxday kaalinta koowaad iyadoo haysata 11 dhibcood halka Borussia Dortmund ay leedahay 8 dhibcood, waxaana kusoo xigta Sevilla oo shan dhibcood haysata laakiin ay Dortmund hore uga adkaatay, taas oo ka dhigan in aanay soo qaban karayn.

Geesta kale, AC Milan ayaa guul weyn kasoo gaadhay Dinamo Zagreb oo ay kusoo karbaashtay 4-0, waxaanay soo gashay kaalinta labaad ee Group E oo ay hadda haldhibic ka horreyso RB Salzburg oo saddexaad u dhacday, halka Chelsea ay fiidkii hore guuleysatay oo ay u gudubtay wareegga 16ka.

Milan iyo Salzburg ayaa ku dagaallami doona midkooda u gudbaya wareegga xiga, iyadoo waliba ciyaarta soo socota ay labadoodu wada ciyaarayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here