Durufo nololeed oo soo food saaray Barakacayaal Ku nool Dhoobley.

0
243

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kadib abaarahii baahsanaa ee ku dhuftay Deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxa magaalada Dhoobley mudooyinkii u dambeeyay soo gaarayay barakacayaal cusub oo ka soo hayaamay qeebo kamid Deegaanada Jubbaland si ay u helaan nolol.

Qoysas badan oo ay xoolohoodii abaartu dhaafisay islamarkaana aan haysaan wax ay ku nolaadaan ayaa waxay Maamulka iyo Hay’addaha samafalka ka codsadeen in loo fidiyo gargaar bini’aadanimo maadama ay gacantooda ka baxeen xoolihii ay ku noolaayeen.

Dhanka kale waxaan isna wareysi la yeelanay Rabiic Maxamed Cabdi oo ah madaxa Guddoomiyaasha xaafadaha Magaalada Dhoobley isago Kawarbixiyay xaalada dadka barakacayaasha ah ee soo gaaray Deegaanka Dhoobley iyo waxyaabaha uga qorsheesan Maamulka Deegaanka.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya.