Dab ka kacay Garowe

0
291

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dab xooggan ayaa goor dhow ka kacay mid ka mid ah Shirkaddaha ganacsiga ee ku yaalla magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay  Shirkadda Isbuunyada Tabaarak, waxaana ku gubanaysa hanti badan oo Shirkadda laheyd oo ku jira gudaha.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa goobta gaaray, waxaana ay ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dabka.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma ogaan karo Khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay.